Tuesday, March 12, 2019

Xaaskaaga jacaylka ay u baahan tahay waa sidee



Nimanka waxaa badi ku adag in ay gartaan waxay rabto xaaskooda.
Gabadhu mar walba waxay ka rabtaa ninkeeda in uu dareensiiyo xasilooni, jaceyl iyo ihtimaam badan.
Amaanta iyo hadalka macaan ee uu ninkeedu ku dhahayo waxay ku caawiyaan in ay u adkeysato ama ay ilowdo dhibaatooyinka ay nolosha kala kulmeyso.
Waxay kaaga baahantahay xaaskaaga:
Dareensii in ay saaxiibtaa tahay:
Dareensii in aysan jirin cid kale oo aad usheegatid sirtaada iyo farxadaada.
Dareensii in aad ubaahantahay caawinaadeeda.
Usheeg mar walba dareenkaaga.
Tus ‘dhankaaga dabacsan’ sida in aad ku ag oydid haddii ay murugo ku haysato.
La qaybso farxadaada tusaale marka wax laguu bishaareeyo.
Ku seexo dhabteeda markaad walwalsantahay.
Usheeg waxaad maalintaas lasoo kulantay, hana umaleyn in uu bilaa micne yahay, ee xageeda wax muhiim ah ayuu ka yahay. Ogowna sida ay gogoshu muhiim kuugu tahay in ay iyadana muhiim ugu tahay wada hadalkiina.
Waydiiso talada hadey arin kugu adkaato.
Usheeg in ay iyadu tahay saaxiibadaa oo aad iyada kaliya ku kalsoontahay.
Maqashii hadal macaan oo qalbigeeda naxariis galiya.
Macaaney caruurta aan seexino aan wada farisanee!!
Indhaheyga doogoodiiyey ku aaway!!!
Iftiinkii noloshayday kaalay aan wada hadalnee!!
Illaahay igama kaa qaado, la’aantaa maxaan sameyn lahaa.
Dhagaheedu ha bartaan in ay kaa maqlaan hadalada macmacaan iyo amaanta, kuwaas oo iyada dareensiinaya xasilooni iyo farxad qalbigeeda.
Sir ma kuu sheegaa ninyohow?
Hadey xaaskaagu hadal macaan mar walba kaa maqasho, waxay ku dadaali in ay wax fiican kuu sameyso oo ay ku fakari in ay kuu qabato wax kaa farxiya.
Si naxariis leh u taabo:
Markey kula hadlayso ama aad adigu la hadlaysid xaaskaaga, gacmaha ama madaxa u salaax.
Adoo udhoola cadeynaya eeg xaaskaaga markaad la hadlaysid, gacmaheeda qabso markaad usheekeyneysid.
Dhabtaada saar iyada markaad wada fadhidaan fadhiga.
Dhunko mar walba oo ay wax kuu qabato.
Baro mar walba oo aad baxaysid ama aad soo galaysid guriga in aad dhunkatid xaaskaaga.
Ogow xaaskaaga markaad si naxariisleh laabta ugaliso waxay dareemeysaa jaceel xad dhaaf ah iyo farxad ay ku iloowdo wixii hore.